Muufo & Maraq dooro

Muufo & maraq waa cuntooyinka aan caanka ku nahay hiddo iyo dhaqanna aan u leenahay sidaa daraadeed waxaan sameeyey muufo iyo maraq waana qaabkii aad u sameeysan lahayd insha allah 
cajiinka muufada sii qaso si ay kuugu sii khamiirto inta aan suugada ka sii diyaarineyso. waxaadna isku qastaa bur, khamiir, cusbo yar, iyo toon yar aan si fiican u riiqday kuna xash biyo qandac ah. ka dibna waxaan u guda galaynaa suugadii, waxaana u sameeyneynaa qaabkaan hadduu alle idmo. 
 
 
basal badan, toon, kamsar, filfil, maraq dooro, basbaas guduud, shiishiid, sanjabiil iyo saliid intaas si fiican iskugu shiil waliba dab gaaban.
rubi saac ka dib ku dar shafkii digaaga oo barafka ka dhacay, dabkana u gaabi.
maraqa wuxuu noqon doonaa mid yar oo adag caraf badan. markuu diyaar kuu noqdo maqara waxaad ku dhex dartaa ukun aad horey u karisay.
 
 
 cajiinka markuu kuu qamiiro ukala qeybi qeybo isla eg kadibna fidi si wareeg ah, haddii aad jeceshahay inaad sharraxato muufada dusheeda waxaad u baahan tahay farkeeto iyo qaando, qeybta dambe ee qaandada cajiinka ku mud mud si diciif ah, si lamid ahna farkeetada afkeeda dulsaar cajiinka kadibna si tartiib ah ugu riix wexeey hadhoow kusoo bixi doontaa si aad uqurux badan insha allah.
muufada ku dubo dab aan aad u kululeyn, waxay noqon doontaa mid aad u carfeeysa oo macaan badan insha allah. 
 
 Caafimaad ku Cunteeya insha allaah. 

Casho Fudud

waxaan karineeynaa casho yar oo fudud aanan waqti badan qaadaneynin. waa rooti iyo suugo, waxaan u baahan nahay shafka digaaga iyo barbarooni.
 
qaabkaad u sameeyneeyso:-
 
waxaad jarjarataa shafka digaaga cadad isla eg oo kuuskuusan waxaadna weel kale ku qasatanaa xabbad ukun, filfil yar iyo kis yar ooo bur ah kadibna ku shub dooradii kuu diyaarsaneyd 
 
 
 
 
markii ay isku milmaan dibka saaro saliiid kadibna billaw inaad shiisho dooradii qasneeyd.
markii ay kuu bislaato meel dhigo.
 
hadda waxaan karineeynaa suugadii waxaad u baahan tahay sokor yar iyo yaanyoo shiishiid.
digsiga dabka saaro kadibna ku shub bakeeri biyo ah markii uu qandac ku rid hal maraq digaag ah kadibna qaando yaanyo shiishiid ah ku s hub iyo inyaroo sokor ah. dabka u qafiifi.
laba daqiiqo ka dib waxaad ku dartaa barbarooni.
 
 
suugadu waa diyaar kadibna suugada ku dar digaaggii aad shiilatay iskuna qas. hadda cuntadu waa diyaar waxaan sugnaaba waa inaan cunno adinkana aad tijaabisaan qaabkeey u dhadhameeyso insha allah waad mahadsan tihiin walaalayaal 
 
 
 

Doolsho shukulaato

Doolshadaan aad ayeey u macaan badan tahay aadna weey u fududahay waxaan idin rajeeyneeynaa inaad ka heli doontaan aadna sameeyn doontaan hadduu alle idmo waayo doolshada waa wax aad indhaha ugu fiican qaasatan markaa qosy tihiin ka kooban hooyo iyo ciyaalkooda yaryar.
 
 
Maxaad u baahan tahay si aad u hirgiliso doolshadaada 
 
4dl bur ah oo u dhiganta 240g 
4 QC oo kaakaw ah waa shukulaato budo ah 
2 QSH oo qamiiriso 
200g subag ah 
2dl kaffee ah ama biyo 
5 xabbo oo ukun ah 
4dl oo sokor ah 
1 QC oo carfiso ah " Vanilla socker" 
 
1. waxaad sii kululeeysataa foornada
2. sii qandacso subagga
3. isku qas ukunta iyo sokorta kadibna xurbi illaa ay kasoo kacdo si tartiib ah ugu dar kicisada ama qamiirisada, burka ku dar si qafiif ah oo daggan, sii xurbi oo ku dar subaggii adigoo isku dheeli tirayo burka iyo subagga.
4. ku dar shukulaatadii budada ahayd iyo carfisadii/vanilla, si tartiib ah ugu dar kafeeygii ama biyihii.
5. markaad is dhahdo waa diyaar ku shubo weelkii aad foornada ku galin lahayd waliba adigoo mariyey saliid si aysan hadhoow kaaga dhagin, kadibna foornada gali.
 
hadda waa diyaar doolshada waxaa inoo haray sidaan korka ugu sharrixi lahayn aan ugu dhigi lahayn mid soo jiidasho leh.
 
waxaan u baahan nahay 
 
2dl sokor shiidan 
60g subag ah oo u dhigmata 4 QC oo saliid ama subag ah
2 QC oo kaffeey ah 
subagga qandici kadibna ku dar sokortii shiidneeyd si fiican iskugu xurbi illaa ay si fiican isku dhex galaan kadibna si tartiib ah ugu dar kafeeygii.
dusha ka mari doolshadii oo kuu qabowday kadibna dusha kaga daadi qube la xoqay.