Digaag & Baradho-riiqan

Waxaan dubeeynaa xabbad digaag ah oo aan baraf ahayn. Si aan u dubno digaagga waxaan u baahan nahay:
Hal Digaag weyn
liin-dhanaan
Cusbo ama maraq digaag
Saliid seeytuun
Thyme ama zactar
Toon
Filfil
Subag
 
 
Liindhanaanta biyaheeda kuqas cusbada,zactarka,toonta,filfisha,saliidda iyo subagga. Kadibna marmari digaagga dushiisa iyo gudihiisaba. Markaad dhammeeyso gali foormada hana ku jiro illaa muddo hal saac iyo bar. 
 
Sameeynta baradhada riiqan waa fududahay waxa kaliya aad u baahan tahay.
 
 
Baradho
Caano
Subag
Cusbo
 
Baradhada si waaweeyn u jarjar, biyo kulul oo karkaayo ku kari cusbadana ku dar.
Markaa is dhahdo aad ayeey u bislaatay baradhada biyaha ka miir kadibna ku dar caanaha iyo subaga.
Qaando weyn ku riiq ama haddaa heysatid mashiinka. 
 

Kommentera inlägget här :