Digaag & Baradho-riiqan

Waxaan dubeeynaa xabbad digaag ah oo aan baraf ahayn. Si aan u dubno digaagga waxaan u baahan nahay:
Hal Digaag weyn
liin-dhanaan
Cusbo ama maraq digaag
Saliid seeytuun
Thyme ama zactar
Toon
Filfil
Subag
 
 
Liindhanaanta biyaheeda kuqas cusbada,zactarka,toonta,filfisha,saliidda iyo subagga. Kadibna marmari digaagga dushiisa iyo gudihiisaba. Markaad dhammeeyso gali foormada hana ku jiro illaa muddo hal saac iyo bar. 
 
Sameeynta baradhada riiqan waa fududahay waxa kaliya aad u baahan tahay.
 
 
Baradho
Caano
Subag
Cusbo
 
Baradhada si waaweeyn u jarjar, biyo kulul oo karkaayo ku kari cusbadana ku dar.
Markaa is dhahdo aad ayeey u bislaatay baradhada biyaha ka miir kadibna ku dar caanaha iyo subaga.
Qaando weyn ku riiq ama haddaa heysatid mashiinka. 
 

Couscous Salad

Waxaan ka billaabeynaa sameeynta xumuska:
 
Waxaan u baahan nahay
Digirta cad oo gasacadeeysan
Saliid Zeytuun
biyo yar
Liin dhanaan
Tahini
Zanjabiil
Basal 
Filfil
Cusbo
dhammaan isku wada dar oo isku shiid illaa ay isku milmaan dhammaan meeshaansa waxaa kasoo baxaya xumus aad u macaan badan.
 
hadda waxaan diyaarineeynaa Couscous-ka
biyo dabka saaro markii ay soo karkaraan ku dar maraq digaag kuna shub couscous-ka ka dibna dabka ka dami, waayo karin uma baahna wuxuu ku karsami karaa huurka. 
 
waxaad kaloo u baahan tahay qudaartaan aan badankooda ku aqoon waxa lagu yiraahdo Afsoomaali.
waa Toon, liin dhanaan, zucchini, eggplant, parsley. 

zucchini iyo eggplant qaab dhaadheer oo qafiifa u jarjar, toon aad si fiican u tuntay kadar iyo saliid yar iyo basal aad si waaweyn u jarjartay kadibna foornada gali. 

 
 
Haddii aan diyaarinno malaayga asna waxaan u baahannahay:
 
Malaay
Saliid seeytuun
xawaash
barbarooniga budada ah.
malaayga marmari xawaashka kadibna ku shiil birtaawaha adoo dhinaciiga 3 daqiiqo shiilaayo. 
 
 
 
 
Taggar: cunto soomaali;