Rooti

 
 
Naftu waxyaabaha ay jeceshahay waxaa ka mid ah in ay cunto cunno fareesh ah oo hadda dabka lagasoo qaaday. 
 
Kaba sii macaan badan markaad ku quraacatid rooti hadda ladubay oo kulul oo haddana qamiirsanaa habeen muddo 10 saacadood ku dhawaad ah.
 
 
Maxaan u baahan nahay:
qamiir 50g
Bur 10dl
Boorash 5dl
Chia seeds 4qaando waaweyn
Inyaroo cusbo ah
4qaando malab ah
75g subag ah
2dl burka madoow
4dl biyo qaboow
2qaando oo sokor ah.
 
sideen u sammeeynaa :
 
 
Isku qas dhammaan kadib ku shub weelka foornada oo ku faafi waliba si isma eg. 
 
Si qaabsami leh u jarjar oo isla eg, jaallaha ukunta marmari kadibna qaboojiyaha gali ama firinjiyeerka.
Habeenkii dhan ha qamiirsanaado subaxii markii lagaaro fuurnada gali kuna dub dab lasii kululeeyay muddo dhan 15 daqiiqo. 
 
 
 
 
Taggar: Rooti, cunto soomaali, quraac fudud;