caramel biscuits or kolakakor

Maanta oo jimco ah casariyada xaafadda waxay noqotay buskutkaan macaanta badan waliba aad u carfaya. waxay ahayd casariy fudud aan waqti badan qaadanin sameeynteeda, waxaa inoo wehliyey shaax iyo daango. 
 
waxaan ka soo xigtay sameeynta buskutkaan www.ica.se 
 
Diyaarita:
 
 
100g subag ah
1dl sokor ah
2 1/2 bur ah
1 qaando weyn oo vanille sokor ah (Carfiso)
1 qaando yar oo fixiso ah 
1 qaando weyn oo golden syrup ah 
 
Dhammaan isku qas oo si fiican u rifaaq illaa ay is dhex galaan. ka dib u qeybi 3 qeybood oo isla eg. 
 
si isla eg oo dhirir ah ugu fidi weelka aad foornada la galineyso waliba adigoo mariyey subag si hadhow aysan kaaga dhagin. 
 
 
foornada gali illaa muddo 12 daqiiqo ah heerka foornada kuleeylkeeda oo ah 175°C. 
 
waa shaaxaaga soo qaado ee tartiibtada u casaryeeyso. 

Kommentera inlägget här :