Naftaada Jeclaaw ❤

#HappiChallenge Waa ay adagtahay in uu qof isjeclaado markii uu daalan yahay, gaajo uu dareemaayo, ama wax aad daneenaysay oo aanan kuu suura galin. Bal u fiirso noloshada qeybaheeda qurxoon oo kusoo maray. Is xisaabi oo is dhiiragali kadibna dheh WAXAAN AHAY QOF AAD U WANAAGSAN. Kusoo celceli marar badan adigoo codkaaga maqlaaya illaa aad qalbigaaga ka nadiifiso fikradaha xun aad iska aamintay. Is aamin oo naftaada rumeey. Wanaag badan aad naftaada u sameeyso waxaad ka dhaxlaysaa wanaag, xumaan aad naftaada ka dhaadhicisana khasaaro ayaa ka dhaxlaysaa. Fadlan naftaada ha liidin waayo waxaad leedahay nasiib aad u weyn oo ah inaad nooshahay aadna la imaan karto isbadal. Markaad naftaada wanaag ka aaminto waxaa badanaayo oo dheeraanaayo hammigaaga, waxaad heleeysaa caafimaad iyo xasillooni dheeraad ah. Fadlan fikradaha xunxun aad naftaada ka aaminsantahay ka jooji.

Doolsho

Waqtiga ay qaadaneeyso sameeykeeda waa 50 daqiiqo. Waxaad u baahan tahay: 3Ukun 2dl sokor 3dl bur 50g subag 2fixiso 1Carfiso 2qorfe. Sharraxaada ayadana waxaad u baahan tahay: Shukulaato dhalaalsan. Qaabkaan ayaad u diyaarineysaa 1. Foornada shido si ay usii kululaato, kadibna isku xarbi ukunta & sonkorta. 2. Si tartiib ah ugu dar burka, subagga, fixisada, carfisada, Qorfaha iyo caanaha. 3. Soo qaado weelka aa ugu talo gashay inaad doolshada ku dubto ka dibna salka waxaad ka marisaa shukulaatadii aad dhalaalisay. 4. Foornada gali markaad diyaariso, muddo 30 daqiiqo ah haku jirto foornada, dabkuna ha ahaado mid meel dhaxaad ah.
#HappiChallenge

baasto digaag aad u fudud

 
 
Runtii aad beey u macaaneeyd baastadan si aad ufududna waan u sameeyay.
Waxaan shiilay shafka digaagga waxaana ku daray xawaash, toon, zanjabiil, kadibna waxaan ku shubay caanaha qumbaha. Markii ay si fiican iskugu karkareen ayaan ku daray baastadii oo bisil. Dabka u gaabiyay in muddo badan ah weey shiilmatay. #HappiChallenge