Naftaada Jeclaaw ❤

#HappiChallenge Waa ay adagtahay in uu qof isjeclaado markii uu daalan yahay, gaajo uu dareemaayo, ama wax aad daneenaysay oo aanan kuu suura galin. Bal u fiirso noloshada qeybaheeda qurxoon oo kusoo maray. Is xisaabi oo is dhiiragali kadibna dheh WAXAAN AHAY QOF AAD U WANAAGSAN. Kusoo celceli marar badan adigoo codkaaga maqlaaya illaa aad qalbigaaga ka nadiifiso fikradaha xun aad iska aamintay. Is aamin oo naftaada rumeey. Wanaag badan aad naftaada u sameeyso waxaad ka dhaxlaysaa wanaag, xumaan aad naftaada ka dhaadhicisana khasaaro ayaa ka dhaxlaysaa. Fadlan naftaada ha liidin waayo waxaad leedahay nasiib aad u weyn oo ah inaad nooshahay aadna la imaan karto isbadal. Markaad naftaada wanaag ka aaminto waxaa badanaayo oo dheeraanaayo hammigaaga, waxaad heleeysaa caafimaad iyo xasillooni dheeraad ah. Fadlan fikradaha xunxun aad naftaada ka aaminsantahay ka jooji.

Kommentera inlägget här :