Muufo & Maraq dooro

Muufo & maraq waa cuntooyinka aan caanka ku nahay hiddo iyo dhaqanna aan u leenahay sidaa daraadeed waxaan sameeyey muufo iyo maraq waana qaabkii aad u sameeysan lahayd insha allah 
cajiinka muufada sii qaso si ay kuugu sii khamiirto inta aan suugada ka sii diyaarineyso. waxaadna isku qastaa bur, khamiir, cusbo yar, iyo toon yar aan si fiican u riiqday kuna xash biyo qandac ah. ka dibna waxaan u guda galaynaa suugadii, waxaana u sameeyneynaa qaabkaan hadduu alle idmo. 
 
 
basal badan, toon, kamsar, filfil, maraq dooro, basbaas guduud, shiishiid, sanjabiil iyo saliid intaas si fiican iskugu shiil waliba dab gaaban.
rubi saac ka dib ku dar shafkii digaaga oo barafka ka dhacay, dabkana u gaabi.
maraqa wuxuu noqon doonaa mid yar oo adag caraf badan. markuu diyaar kuu noqdo maqara waxaad ku dhex dartaa ukun aad horey u karisay.
 
 
 cajiinka markuu kuu qamiiro ukala qeybi qeybo isla eg kadibna fidi si wareeg ah, haddii aad jeceshahay inaad sharraxato muufada dusheeda waxaad u baahan tahay farkeeto iyo qaando, qeybta dambe ee qaandada cajiinka ku mud mud si diciif ah, si lamid ahna farkeetada afkeeda dulsaar cajiinka kadibna si tartiib ah ugu riix wexeey hadhoow kusoo bixi doontaa si aad uqurux badan insha allah.
muufada ku dubo dab aan aad u kululeyn, waxay noqon doontaa mid aad u carfeeysa oo macaan badan insha allah. 
 
 Caafimaad ku Cunteeya insha allaah. 

Kommentera inlägget här :