Waa Maxay Jacayl

 
 
Sideen ugu ficil celinaa markii ay nagu dhacaan fallaaraha jacaylka? Maskaxdeenna maxaa kusoo dhaca? sabab ayuu muhiim noogu yahay jacaylka? cilmi baarayaal u kuurgalay arrinkaan ayaa ka soo saaray xaqiiqooyin cadcad oo jira, waxayna kusoo gabagabeeyeen in uu jacaylka faaiidooyin iyo waxdheef weyn inuu leeyahay.
 
Jacaylka sidiisuba waxaa loo kala qeybiyaa dareen iyo rabis. jacaylku waa xannaaneyn iyo u diirnixid qof kale. 
Rabitaanku wuxuu diiradda saarayaa jamasho qof kale ama daneeyn zaaid ah. inkastoo rabitaanka iyo dareenka ka dhexeeyo xariir aad uweyn. 
markaan meel fog ka fiirino labada qof ee wada nool ay noloshu ka dhaxeeyso in ay yihiin dad wanaag lagu yaqaano bulshada dhexdeeda, dad farxad ay ka muuqato, dad kalsooni isku qaba haddii ay ahaan lahayd naftooda. 
 
waxaa jira wanaagyo aad u badan oo laga dhaxlo jacaylka:
  • inaad jacayl hesho waxay kugu kalifaysaa inaad isku kalsoonaato, is aaminto aadna noqoto qof ammaan ah.
  • inaad jacayl hesho waxay kugu kalifaysaa inaad caafimaaddo jismiyan iyo caqliyan.
  • inaad ka shaqeyso wanaagga xariirkaaga waqtina aad galiso waxaad ka dhaxlaysaa inaad hesho xariirka ugu fiican.
  • inaad hal qof jeclaato waxay kugu kalfeeysaa inaad dad badan aad jeclaato.
jacaylku sidiisa waa isdaneeyn ay labada qof oo xariirka ka dhexeeyo la imaanayaan, waa isu damqasho iyo isu nax. waana wax aad ugu yar bulshada aan kasoo jeedno. 
 
 

Kommentera inlägget här :